Dowlada Kenya oo sheegtay in ay ka feejigantahay weeraro ka dhaca goobaha dalxiiska

Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigantahay weeraro ay Al-shabaab ka geystaan goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya.

Madaxda Kenya waxa ay shaaca ka qaadeen in ay jiraan  ciidamo dheeraad ah oo lagu daad gureynta doono goobaha dalxiiska dalka Kenya si looga hortago weeraro la sheegay in ay  Al-shabaab damacsan yihiin

Waaxda dalxiiska Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in ay adkeyn doonaan Ammaanka dalxiisayaasha ku sugan dalka Kenya  oo inta  badan  ka soo jeeda dowladda Shiinaha.

Dalxiiska oo ah waaxda  labaad ee ugu weyn wadanka  Kenya ayna dhaqaalo badan ka soo galaan Kenya, waxaa la sheegay   25% uu hoos u dhacay kadib markii qeybo ka mid ah Dalkaasi ay ka dhaceen Weeraro ay sheegteen Al Shabaab.

23 bishaan April ayey aheyd markii dowladda kenya ay walaac ka muujisay ammaanka goobaha  dalxiiska  ee dalka Kenya.