Doorashada Golaha Shacabka oo ka socota Muqdisho & laba Kursi oo la doortay

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta labada Aqal ee Gobolada ee Somaliland ayaa goordhow dugsiga tababarka Iskuul Bulusiya ku qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#268

Musharixiinta ku tartamay kursigaas ayaa waxaa ay kala ahaayeen, Musharax Maxamed Cali Xagaa  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo horay ugu fadhiyay iyo Musharax Xildhibaan, Axmed Muumin Waaliye, balse Musharax Xildhibaan Axmed Muumin Waaliye Ibraahim ayaa ka tanaasulay tartanka, iyada oo cod gacan taag ah oo ku guuleystay  Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo helay 98 ,waxa ka aamusay 1 ergay.

Sidoo kale isla dugsiga tababarka Janeraal Kaahiya ayaa waxaa lagu qabtay doorashada kursiga HOP#267 oo ay ku tartameen xildhibaan, Marwo, Saynab Maxamed Caamir oo kursigaan horay ugu fadhiday iyo Marwo, Sucaado Muumin Maygaag, hayeeshee Musharax xildhibaan Sucaado Muumin Maygaag ayaa ka tanaasushay tartanka., waxaana cod gacan taag ah oo loo qaaday ku guuleysatay Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir 99  97 laba qof ayaa ka aamusay.
Doorashada ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in Maanta Magaalada Muqdisho lagu doorto ilaa lix kursi.