Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha lagana soo kala xulay Xildhibaannada labada Aqal ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadaan diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga oo diiwaangelinta bilaabay Axadii todobaadkaan ayaa diiwaangeliyay ilaa 32 Musharrax, balse markale Maanta dib u bilaabay diiwaangelinta, waxaana musharrixiinta ugu horreeyay ee isdiiwaangeliya Maanta ay noqdeen Musharrax Madaxweyne Maxamed Amiin Faarax iyo Saciid Cabdullaahi Deni, iyada oo qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.
Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in Xubnaha Guddiga ay soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
15-ka Bisha May oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota ayaa la filayaa in la qabto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkaan ay ku tartami doonaan musharrixiintii ugu badnaa.



