DHAGEYSO+SAWIRRO:- Deeqdii laga soo aruuriyay Barnaamijka Afuri oo maanta 50 Qoys lagu Afuriyay

Muqdisho-RisaalaFM– Deeqdii laga soo aruuriyay Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee galab kasta ka baxa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu afuriyay 50 qoys oo Barakacayaal ah oo ku nool degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee galab kasta ka baxa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, waxaa maskaxdooda ay ka timid maamulka iyo shaqaalaha Risaala, iyaga oo garawsaday sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan.

Deeqda maanta la qeybiyay ayaa waxa ay ka koobneyd Bur, Bariis, Timir iyo Saliid oo qoys walbo la siiyay deeq ka koobneyd intaasi.

Qoysaska maanta loo qeybiyay deeqdii laga soo aruuriyay Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ayaa ahaa qoysaskii ugu liitay dhanka nolosha ee ku nool degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dadka loo qeybiyay ayaa waxaa ku jira Hooyooyin da’a ah oo Xaalado nololeed ku heysata degmada Kaxda iyo dad kale oo danyar ah.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in deeqdaan ay tahay deeqdii ugu horeysay ee laga soo aruuriyo Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajir ee ka baxa Idaacadda Risaala.

Waxa uu sidoo kale sheegay Agaasimaha Risaala Barnaamijkan Deeqda in maanta uusan ku ekeyn balse ay jiri doonaan qeybo kale oo Deeq ah, lana bixin doono.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa Maamulka Idaacadda Risaala ku bogaadiyay in ay sii laba jibaaraan dadaalka ay ku afurinayaan dadka danyarta ah.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay Xaalada ka taagan degmada Kaxda iyo nolosha qoysaska ku nool degmada.

Qaar ka mid ah qoysaskii ka faa‘ideystay deeqdan ayaa u mahad celiyay maamulka Idaacadda Risaala iyo dadkii ka qeyb qaatay Barnaamijkan.

Xaaladaha dunida iyo daruufuhu waa kuwa aad u kala duwan, dadna baahi iyo diihaal ayaa daashaday, oo waa kuwaa dalan baabi dhacaaya, kuwana daaraha ay ku jiraan ayaa cunto diihan ay ka soo daadiyaan oo dharag ay la daacoodaan.

W/D:- Axmed Cabdi Cali

 

DSC_1007 DSC_1016 DSC_1021 DSC_1044 DSC_1059 DSC_1061 DSC_1064 DSC_1074 DSC_1081 DSC_1082 DSC_1089 DSC_1100 DSC_1119 DSC_1130 DSC_1135 DSC_1157 DSC_1167 DSC_1178 DSC_1199 DSC_1244 DSC_1256 DSC_1267