Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la gaaray xilligii Bad xiranka.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka uga digtay in ay isticmaalaan Maraakiibta iyo Doonyaha yar yar, si aysan nafsadooda iyo hantidoodaba halis u gelin.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in la gaaray xilliga Bad xirinka, Maraakiibta iyo Doonyaha yar yarna aysan mari karin xilligan Bad weynta Hindiya.
Waxa uu sheegay Maxamed Dhagaxtuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Maraakiibta waa weyn in xilligan oo kale ay mari karaan.
Sanadkasta xilligan oo kale waxaa Badda ka dhaca Dabeylo waa weyn, kuwaasi oo ka imaanaya Koonfur Galbeed, islamarkaana u dhaca waqooyi Bari.



