DHAGEYSO: Hirshabeelle oo baaq u dirtay Beesha Caalamka

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa waxa uu ka hadlay Dagaal beeleedyo ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay Dagaalo ka dhacay Jameeco Misir iyo Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe in ay ku dhinteen dad shacab ah, oo halkaasi ku dagaalamay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu heshiisiinayo dadka walaalaha ah ee Dagaal beeleedyada ku dhexmaraya mararka qaar Degaanadaasi..

Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in gacan laga siiyo Hirshabeelle sidii ay ku xalin laheyd Dagaal beeleedyadan.

Dhowr jeer oo hore Degaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe waxaa ku soo laab laabtay Dagaal beeleedyo, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, weli xal looma helin, balse maamulka ayaa dadaalo wada.