DHAGEYSO:Maamulka Sh/Hoose ”waa la toogan doonaa askarta isbaarada dhigata”

General Ibraahim Yarow oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dil toogasho ah lagu fulin doono askarta jid gooyooyinka u dhigta shacabka.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay Ibraahim Yarow ciidanka iyo kuwa ciidanka aan ahayn hadii lagu arko iyagoo isbaaro dhiganaya ee laqabta in dil toogasho ah lagu fulin doono.

Gaadiidleyda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya isbaarooyin la soo dhigay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo gaadiidka lacago looga qaado.