DHAGEYSO: Banaanbax looga soo horjeedo kooxda dabagalka hubka Q.M oo Muqdisho lagu qabtay

Banaanbaxan looga soo horjeeday warbixinada ay soo saarto Kooxda Dabagalka Cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada muqdisho.

Banaanbaxa ayaa sidoo kale lagu taageeray qorshayaasha hormarineed iyo waxqabadka dowladda federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir, iyo waxgaradka muqdisho, waxaana intii uu banaanbaxa socday lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeyso sida shacabka soomaaliyeed ay ugu soo horjeedaan warbixinada ay soo saarto kooxda Monitoring Group.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxa oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri.

Kooxda Monitoring Group ayaa dhowr mar soo saartay warbixino ay ku eedeeyneyso shaqsiyaad ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyo ganacsato Soomaaliyeed.