Gudoomiyaha gobalka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo caawa warbaahinta kula hadlay muqdisho , ayaa sheegay in ay jiraan Falal Amni daro oo ka dhacay muqdisho.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa sheegay in la mamnuucay Baabuurta Taarko la’aanta ah ee ka dhex shaqeynsa Muqdisho, islamarkaana in laga qaadi doono tilaabo waafasan sharciga cidii lagu qabto gaari taarko la’aanta ,waxuuna gudoomiyaha gobalka banaadir sheegay in loo qabtay 3 maalmood gudahood in ay ku qaataan kuwa aan taarkada la hayn.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay waajib tahay in qof walba uu qaato kaarka aqoonsiga waxuuna sheegay in lagu bixin doono 3 degmo oo ka mid ah Degmooyinka gobalka banaadir kuwasoo kala ah, Degmada Wadajir, Degmada Shibis, Degmada Howldaag.
Dhankale Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa ka hadlay halka uu maraaya Mashruuca Dalkaaga Dhiso, waxuuna sheegay Jimcaale in Meel Wanaagsan maraayo,islamarkaan canshuurta dadka laga qaado lagu dhiso Wadda wadnaha ee Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobalka ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka gobalka islamarkaan ay ka qeybtaan dhismaha wadooyinka gobalka banaadir.


