Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo ka mid ah Nabadoonada ugu caansan Puntland kana mid ah kuwa ugu awoodda badan Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, waxaa uu si faah faahsan uga hadlay dadka ka soo jeeda koofurta See kunool .
Nabadoonku wuxuu sheegay in falal amni xumo, dilal iyo qaraxyo Gaalkacyo ka dhacay dhammaan dadkii ka dambeeyay ay noqdeen reer Koonfureed, sidaad darteedna ay habboon tahay in dadkaasi ay si nabad ah ugu laabtaan Goboladii ay ka yimaadeen markii hore.
Nabadoon Yaasiin C/samad Cumar wuxuu intaas raaciyey in isaga oo ku hadlaya afka shacabka puntland ee aragtidaan ku raacsan ay muddo 15 maalmood ah u qabanayaan dadkaasi inay goboladoodii dib ugu laabtaan.