DHAGEYSO:Xukuumada Soomaaliya oo baaq u dirtay qurba joogta Soomaaliyeed .

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa qurba joogta Soomaaliyeed  ugu baaqay in ay ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaaruhu sameyeen ee ku sugan  qeybo ka mid ah goballada Soomaaliya, waxuuna sheegay in loo baahayahay in la kala saaro Siyaasada iyo dadka dhiban isagoona sheegay in ay siyaasad ahayn dadka la gargaaro.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa ka dalbaday Hay’adaha Islaamiga ah ee hoostaga Ururuka Iskaashiga in waqti ka yar 24 saac ay uga soo jawaabayaan baaqa dowladda ee Gurmadka Abaaraha, isagoo raja wanagsan ka muujiyay in waqti fiican ay hay’adaha samafalka ka soo jawaabi doonaan.

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku daalaysa sidii lagu caawin lahaa dadka Abaaraha ugu dhimaya goballo Badan oo kamid ah dalka.