DHAGEYSO: Yaaqshiid iyo Kaaraan oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo Labaduba kawada tirsan gobolka Banaadir.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa taaba galineysa tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala sanadkan ay qabaneyso.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Yaaqshiid ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Kaaraan kadib markii ay degmada Yaaqshiid ay keensatay dhibco gaaraya 9 halka Kaaraan ay la timid 4 dhibcood.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Beri oo Isniin ah Bisha Ramadaan ay noqon doonta Insha Allah 15 ayaa waxaa tartami doona Degmooyinka Kaxda iyo Hodan.