DHAGEYSO: Xildhibaan Dalxa oo ku baaqay in wax loo qabto Soomaalida ku nool caalamka

Suudaan-RisaalaFM- Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa waxa ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan waxaan uu kala hadlay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi wax loogu qaban lahaa sidoo kalena loo sii deyn lahaa dhalinyarada qaar ee ku jirta xabsiyada dalka Suudaan.

Xildhibaan Dalxa ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in ay soo badbaadiso shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Koofurta Sudan iyadoo la kaashaneysa dowladaha dariska la’ah dalkaasi.

Waxa uu carabka ku dhiftay in xilligan aysan jirin wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya iyo Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka taas oo ugu wacan in wax loo qaban waayo Soomaalida ku dhibaateysan Caalamka.

Soomaali badan ayaa ku dhibaateysan Caalamka mana jirto kaalin muuqata oo dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarto wax u qabashada Muwaadiniintaasi.