DHAGEYSO: Wareysi aan la yeelanay Abaanduulaha ciidanka Koonfur Galbeed

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ayaa waxa ay ku dagaalameen deegaanka Deynuunay ee gobolka Bay.

Shalay ayay aheyd markii 6 ruux oo la sheegay in waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen lagu qabtay degmada Buur-hakaba, iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada Beydhabo ay aheyd mid amni daro ay ka jirtay.

Abaanduulaha ciidanka maamulka Koonfur Galbeed Ismaaciil Khaliif Shire oo aan la xiriirnay ayaan wax ka weydiinay sida uu u dhacay dagaalkii Deynuunay iyo jawiga sida uu yahay.