DHAGEYSO: UNHCR “Qof shaqaalaheena ka tirsanaa ayaa ku geeryoodey Qaraxii Xalane”

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, ayaa xaqiijisay in qof ka tirsanaa shaqaalaheeda uu ku dhintay qaraxii 26-kii bishii July, ka dhacay magaalada Muqdisho.

Axmed Maxamed Xasan, ayaa ka mid ahaa 13 qof oo ku dhintay qaraxyo baabuur  loo adeegsaday, oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

UNHCR, ayaa sheegtay in shaqaale kale oo ka tirsan hay’adda ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen qaraxyada.

Axmed, ayaa hay’adda la shaqeynayay tan iyo sannadkii 2012.

Hay’addu waxay sheegtay in wakiilka UNHCR iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda ay xiriir la sameeyeen qoyska marxuumka.

War qoraaleed ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in hay’addu ay taageero iyo midnimaba la garab taagan tahay qoyska Axmed Maxamed, waqtigan adag.