DHAGEYSO: Tarsan oo walaac ka muujiyay Doorashooyinka 2016-ka

Muqdisho-RisaalaFM- Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu walaac ka muujiyay suurtagal ahaanshaha in muddo bilooyin ah loogu daro dowladda federaalka.

Waxaana maanta magaalada Muqdisho ka furmo doona shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo hanaanka geeddi socodka doorashooyinka iyo sidoo kale waqtiga ay dhaceyso Doorashada.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in waqti dheeri ah loogu daro dowladda federaalka haseyeeshee waxa uu tilmaamay waqtiyada kooban ee ka haray Doorashooyinka in wax walbo lagu qaban karo hadii si cadaalad ah loo wajaho.

Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in hada la diyaariyay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa xildhibaanada, isagoo intaa ku daray in Bisha Augusta gudaheeda wax walbo oo Doorashada la xiriirta lagu qaban karo.