Baydhabo-RisaalaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay shalay waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay safiirka Dowladda Sweden u jooga Soomaaliya.
Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah, sida in Dowladda Sweden ay Koonfur Galbeed ka caawiso dhinaca Maxkamadaha, sidoo kale Xabsi casri ah ayay dhisi doontaa Dowladda Sweden.
Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Waxa uu sheegay Wasiir Xasan in Dowladda Sweden ay horey mashaariic uga hirgelisay Degaanada Koonfur Galbeed, hadana ay ka rajeynayaan in ay ka dhabeyn doonto balan qaadkeeda.


