Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda muqdisho ayaa soo dhaweeyey go’aankii xalay magaalada Garowe ee caasimada puntland ay ku wada gareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka puntland .
Shacabka ayaa sheegay inay si aad ugu farxasan yihiin in la heshiiyo islamarkaan soomaalidu ay hal meel isku raacdo, waxayna bogaadiyeen Madexweynaha puntland Cabdiwali Maxamed Cali .


