DHAGEYSO: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Janaale

Ciidamada dowladda  Soomaaliya  ayaa maanta  la wareegay deegaanka Janaanle  Gobalka Shabelle hoose , halkaas oo ay horay Gacanta  ugu hayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Bishii September ee sanadkii hore waxaa ay Weerar ku qaadeen Fariisimo Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay halkaa ku leeyihiin,waxaana waxii ka dambeeyay halkaa gacanta ku dhigay ururka Al-shabaab, ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dhowr Jeer isku dayey qabsashada Janaale .

Dhankale warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in Al-shabaab oo ay ku sugan yihiin meel  aan sidaas ugu fageyn deegaanka gobalka shabeellada Hoose islamarkaana ay suurtagal tahay in ay weerar  ku soo qaadaan ciidamada qabsaday Janaale.