Faroole”Waxaan ahay Musharax Madaxweyne doorashada 2016”

Madaxweynihii hore  maamulka Soomaaliyeed ee Puntland  Cabdiraxmaan Sheekh  Maxamed Maxamuud(Faroole) oo manta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland Ayaa sheegay in uu Yahay Musharax u Taagan Qaabashada xilka Madexdtinimo ee soomaaliya 2016.

Madexweynihii hore puntland Cabdiraxman maxamed maxamuud Faroole oo Hada kamid Yahay Waxgaradka puntland ayaa  waxaa uu dhaliilay heshiiska ay wada gareen dowlada Soomaaliya iyo Maamulka puntland Taasoo ku aadan in Puntland ay Aqbashay Nidaamka 4.5.

 

“Umadda Somaliyeed waxaan u sheegayaa inaan ahay musharax u tagaan qabashada xilika madexda soomaaliya sanadkaan 2016 waxaan   si daacad ah ugu shaqayn doono nidaamka Federalka hirgalin doono hadii ILAAHAY ila garab galo dadkeedana aan u xulan karo nabadda Somaliyeed sidii loo soo dabaali lahaana ka shaqayn doono sidaan Puntland uga shaqeeyay markaan joogay,”Hogaamiyhii Hore puntland Faroole.

Faroole ayaa ah hogaamihii ugu horeyey oo puntland madexweyne kasoo noqda kasoo shaaciyey  musharxnimadiisa ku adan 2016.