Wararka ay Idaacadda Risaala helayso ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay qabteen Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Gaarigaan laga qabtay inta u dhexeeysa Taalooyinka Xaawo-taako iyo Daljirka- dahsoon.
Gaariga ay qabteen Ciidamada NISA ayaa la sheegay in uu horyaalay labo maqaayadood oo lagu magacaabo Blu SKY iyo Al-Beyk.
Saraakiisha ciidamada dowladda soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan ku hayaan gaarigaan waxii kasoo baxa ay warbaahinta u soo bandhigdoonaan.


