DHAGEYSO: Saraakiil kormeer ku tagay Afgooye

Afgooye-RisaalaFM- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ayaa maanta kormeer ku tagay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka saraakiishan ay ku tageen Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu sheegay sidii ay ula socon lahaayeen xaalada ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMSIOM ee ku sugan Magaalada Afgooye.

Taliyaha Howlgallada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose Korneel Nuur Cali Xayir ayaa sheegay amaanka Degmada Afgooye in uu yahay mid la isku haleyn karo, isagoo sidoo kale tilmaamay in ay ka hortagayaan weerarada Shabaab.

Korneel Ronaldo Gidware Taliyaha Qeybta 18-aad ee Ciidanka AMISOM ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM in ay iska kaashanayaan sugidda Amaanka.

18-kii Bishan ayay aheyd markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degmada Afgooye, waxaana weerarkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.