DHAGEYSO: Puntland oo xukuno riday

Maxkamadda Ciidanka Maamulka Puntland ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku riday ilaa iyo 13 Qof, kuwaas oo laga soo qab qabtay Deegaanada Maamulka Puntland.

13-ka Qof ee Maamulka Puntland xukunada kala duwan uu ku riday ayaa waxaa lala xriirinayaa ururka Al-shabaab iyo waliba kooxda Daacish.

Maxkamadda Ciidanka Maamulka Puntland ayaana 13-ka Qof maanta oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 25-10-16-ka ku riday xukuno isgu jira xabsi Daa’in, xabsi Ciidan, halka qaar kalena Maxkamadda xuriyadooda ay u soo celisay, kadib markii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Maamulka Puntland C/fataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunkaasi.