DAAWO: Shirka Hormarinta Ganacsiga oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho-RisaalaFM- Shirkan oo ku saabsanaa Hormarinta Ganacsiga Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumada Soomaaliya, Ganacsato isugu jirtay Rag iyo Dumar, Beeraley, Kalluumeysato iyo xubno kale.

Barnaamijkan lagu Hormarinayo Ganacsiga Soomaaliya ayaa waxaa taageeraya Bankiga Aduunka oo bixinaya Lacago la siinayo Ganacsatada yar yar, si loo helo Ganacsi ku dhisan tartan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed oo shirka furay ayaa sheegay in loo baahan yahay gacansiinta Ganacsatada yar yar, xukuumadana ay diyaar u tahay in ay kaalinteeda ka qaadato.

Mid ka mid ah Ganacsatadii shirkan ka soo qeyb gashay ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqday in ay Hormar iyo Tayo ku sameeyaan Ganacsigooda si ay ula jaan qaadaan Ganacsiga caalamka.

 

1s 2s 3s 4s 5s 6s