Jowhar-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa si isku mid ah uga hadlay weerarkii maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin weerarka lagu qaaday saldhiga Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Beledweyne.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 6 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Beledweyne.
War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jabuuti.


