Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxmuud ayaa ka hadlay sababta Dowlada ay shaqaalo Haween ah ugu qortay dalka Sacuudidiga waxuuna sheegay in ay si sharci uga shaqeysan doonaan dalka sucuudiga carabiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ka soo shaqeynayaan islamarkaana si sharciga waafaqsan oo sharaf leh ay dalka sucuudiga uga shaqeysan doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ay safraan islamarkaana iga oo aan sharci haysan waxuuna sheegay madaxweyne in ay haboon tahay in sharciga ku safraan maadaam hada ay dhibaatooyin kala kulmaan xiliyada ay ku gudaha jiraan safarada sharci darada ah.
Dhawaan ayaa dowladda soomaaliya waxay shaacisay in gabdho Soomaaliyeed oo la diray dalka Sucuudi carabiya si ay uga soo shaqeystaan, laakiin arintaas waxaa ka dhashay muran ay qabaan qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed.


