DHAGEYSO: AMISOM oo Magdhow laga dalbaday.

Ehelada dadkii ciidamada  AMISOM shalay ku dileen G/Sh/hoose ayaa  sheegay in ay maxkamad la tiigsan doonaan ciidamada AMISOM maadam ay dileen dad shacab oo ay kuijraan dad waayeel ah.

Cabdiraxmaan Sheekh Cabdule oo ka mid ah Ehelada dadkii shalay lagu dilay Buulo mareer ayaa sheegay in sifa sharci u maridoonaan Ciidamada AMISOM ,islamarkaana AMISOM, looga baahanyahay in ay bixiso magdhow.

Ciidamada midowga Afrika ayaa marar badan muqdisho iyo gobolada  dalka gawaari ku marsiiyey dad shacab ,marna jirto cid sharciga hor keentay.