Dhageyso:-RW kuxigeenka oo ku baaqay dardar-gelinta wadahadallada Somaliland

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in aragtida ah midnimada iyo kala taga ay ku kala fikir duwan yihiin dadka kasoo jeeda deegaannada Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in dunida ay aqoonsan tahay Soomaaliya oo kaliya, hayeeshee Soomaaliland mudo 30 sano ah ay raadineyso inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale laakin aysan jirin ilaa iyo hadda guul ay ka gaareen u jeedkooda.

Waxaa uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka in la dardar-geliyo wadahadallada Dowladda Federaalka & Soomaaliland,isla markaana Guddigii dhab u heshiisiinta ee uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo ay howshooda qabsadaaan lana qanciyo Soomaaliland.

Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaan qabsoomin sanadihii u dambeeyay, waxaana tira ka dhowr jeer fashilmay wadahadallo la doonayay inay dhexmaraan,waxaana madaxda Soomaaliland ay Madaxda dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen inay kasoo horjeedaan wadahadallada.

Hoos ka  Dhageyso Codka  Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.