DHAGEYSO: Puntland “Talaabo ayaan ka qaadeynaa saraakiisha joogta Kontoroolada”

Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa wacad ku maray in Gaari dambe oo xamuul sida kana yimaada koonfurta Soomaaliya uusan usoo gudbi doonin gudaha Puntland isagoo aan dhulka la dhigin rarka uu wado.

Waxa uu sheegay inay la xisaabtami doonaan oo ay xilka ka qaadayaan Taliyeyaasha kontarooladii ay soo mareen Qaraxyadii lagu qabtay magaalada Boosaaso, wuxuuna sidoo kale sheegay in masuuliyad darradooda lagula xisaabtamayo.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) Wasiirka Amniga maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan mar dambe dhici doonin Kontorool Qarax lala soo dhaafay ay dadkii hore sii joogaan.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in ay aad u adkeynayaan ammaanka Kontoroolada laga soo galo Degaanada Puntland, si aysan shacabka u dareemin qal qal xaga ammaan darada ah.

Ciidamada ammaanka Puntland, ayaa shalay Koontaroolka magaalada Boosaaso waxa ay ku qabteen Gaari siday Khudaar, laguna soo dhex qariyay waxyaabaha qarxa oo aad u fara badan.