DHAGEYSO: Puntland oo heegan galisay ciidankeeda

Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar, ayaa sheegay inuu ka digaayo weeraro Shabaabka ay ka geystaan deeganada Maamulkaasi.

C/xakiim Camey ayaa ciidamada Puntland faray inay muujiyaan taxadar ku aadan ka hortagga weerarada Shabaabka ay qorsheynayaan.

Wuxuu tilmaamay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Shabaab inay caadeysteen daadinta dhiiga Umadda Somaliyed, sidaasi awgeedna ciidamada uu faraayo meel kasta oo ay joogaan inay feejignaan galaan.

Al Shabaab ayaa horay ugu fashilmay weeraro qorsheysan oo ay ku qaadeen deegaano ka tirsan maamulka Puntland.

Shabaabka ayaa horay ugu hanjabay inay kordhinayaan Bisha Barakeysan ee Ramadaanka weerarada ay fulinayaan.