Baardheere-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay la wareegeen deegaanada Juungal iyo Cali-xareed oo Qiyaastii 40km u jirta degmada Baardheere.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay kula wareegeen deegaanada juungal iyo Cali Xareed oo ka tirsan gobolka gedo.
Dhinaca kale Saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howl gallada lagu xaqiijinayo ammaanka , loogana hortagayo falalka ka hor imaanaya nabad gelyada shacabka ku dhaqan degmada Baardheere.
Deeganada ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa horay waxaa ugu sugnaa ururka Al-shabaab.
Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa horey waxa ay usheegeen in bilaabeen howlgallo ururka Al-shabaab looga saarayo gobolada Jubbooyinka iyo gobolka Gedo.


