Daawo Booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Dhadhaab

Kenya-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya .

Madaxweynaha ayaa inta uu san gaarin Dhadhaab waxaa ka sii horeeyay wafdi hordhac u ah socdaalka Madaxweynaha oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye iyo sidoo sidoo kale safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu noqonayaa Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee booqda Dhadhaab muddadii ay xeradaasi jirtay.

Booqashadiisa Xasan Sheekh ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli dowladda Kenya ay isku diyaarineyso in ay xirto xeryaha Dhadhaab.

1- 2- 3- 4- 5- 6- 7- 8- 9-