Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Alle ha u naxariistee Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan qeybta Raadiyaha iyo TV-ga.
Aaska Marxuumada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno ka tirsan dowladda Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Warfaafinta, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Qaar ka mid ah wariyaasha ka howl gala Muqdisho, Maamulka, Macalimiinta, iyo Ardayda Jaamacada Plasma, iyo Ehelka Marxuumada.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in laamaha amaanka ee dowladda laga rabo in ay gacanta ku soo dhigaan ragii ka dambeeyay dilka Wariye Sagal Salaad Cusmaan.
Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi waxa uuna tacsi u diray Ehelada Marxuumada.


