DHAGEYSO: Puntland oo faah faahisay dil ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxa ay ku dileen Nabadoon caan ka ahaa dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonka dilka loo geystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaaji Careys, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka maamulka Puntland.

Laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, kuwaasi oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee dhanka Waqooyi Xasan Maxamuud Khaliif (Abgaalow) ayaa sheegay raggii dilay Nabadoonka in ay u baxsadeen dhanka Galmudug, hadana lagu daba jiro.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug inooga soo diray wakiil wareedka Radio Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Muxudiin Saxansaxo.