DHAGEYSO: Nabadoonada Koonfur Galbeed oo baaq udiray Puntland

Malaaq Deerow oo ka mid nabadoonada ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay shacabka Koonfurta Soomaaliya ka soo jeeda ee dhibaatada loogu geysto Puntland.

Nabadoon Deerow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku nool Puntland ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ka cabanayaan reer Puntland, kuwaas oo uu ku sheegay in ay jirdil ugeystaan dadka reer Koonfur.