DHAGEYSO: Maxaa ka cusub kulamada ka socda Garowe

Wada hadaladii ka socdey Aqalka Madaxtooyada ayaa sii socda, waxaana kulamo adag oo gaar ah leh Madaxweyne Gaas, Ra’iisulwasaare Sharmaake, Wakiiladda QM & Midowga Yurub,IGAD iyo Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa laga sugayaa in uu soo bandhigo sharuudaha ay Puntland rabto in ay ku ogolaato Nidaamka 4.5, gaar ahaana dhismaha mashaariicda waa weyn ee garoomada, Dekedaha, Jidadka, Deeqaha Caalamka iyo arrimo kale.

Puntland waxay doonaysaa in meelmar laga dhigo qorshe ay soo jeedisay oo ah in tan iyo 2020-ka inta laga gaarayo deeqaha magaca Soomaaliya lagu bixiyo si toos ah ay u hesho, kana tanaasusho nidaamka 4.5.

Sidaas oo kale qodobo kale ayaa jira oo si hoose ay dhinacyadu uga wada hadlayaan, markaas ka dibna waxaa la aadi doona Hoolka Wasaaradda Caafimaadka oo lagu soo bandhigi doono heshiiska rasmiga ah oo ay goob joog ka yihiin Deeq bixiyaasha, Itoobiya, IGAD, Midowga Africa, Midowga Yurub, Turkiga, Talyaaniga iyo Imaaraatka Carabta.