Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugidda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ka sameeyeen howlgallo ay dad ku soo qab qabteen.
Cabdi kaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaaradda amniga oo howlgalkan uga Waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamada NISA ay maanta sameeyeen howlgallo, iyadoo uu sheegay in ay soo qab qabteen dad looga shakisan yahay in ay falal amni daro ah ay wadeen.
Dhinaca Kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in ku dhawaad 20 ruux lagu soo qab qabtay howlgal kale oo ay xalay Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda ka sameeyeen ciidamada Nabad sugidda, booliska iyo ciidamada AMISOM.
Dhowaanahan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay waday howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kuwaas oo ay ka sameynaysay degmooyinka gobolka Banaadir.


