DHAGEYSO: Maxkamada Sare ee Koofur Galbeed oo dhisaysa garsoorka maamulkaas

Madaxda Maxkamada Sare ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya aya waxa ay sheegtay in mudo 10 Maalmood ah lagu soo dhameystirayo Xarumaha garsoorka Maamulkaasi.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee maamulka Koofur Galbeed Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax ayaa sheegay in maamulka Koofur Galbeed muddo 10 maalmood lagu soo dhameystirayo xarumaha garsoorka ee maamulka Koofur Galbeed.

Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax ayaa sheegay in ay dhawaan maxkamado ay ka hirgaliyeen gobolka Shabeelaha Hoose  ,islamarkaana maalmaha soo socda maxkamad laga hirgelin doono degmooyinka kale ee maamulka Koofur Galbeed.