Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xarunta madaxtooyada oo maanta ay ku shiraayaan hogaamiyaasha Soomaaliya si weyn loo adkeeyey ammaanka madaxtooyada iyo sidoo kale wadooyin soo gala.
Guud ahaanba wadooyinka soo gala Xarunta Villa Soomaaliya ayaa la soo dhigay ciidanka Nabad sugid dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano NISA.
Ciidamada ayaa wadada horumarta xarunta Madaxtooyada Somaliya waxa ay ku jareen gaadiidka Cabdi Bilaha ah ee ciidamada ay wataan, waxaana la diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka yar yar.
Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda Soomaaliyeed, kaas oo ay kaga hadlayaan doorashada Soomaaliya ee la filayo in sanadkaan ay dalka ka qabsoonto.
Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul gobaleedyada sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo wakiilo ka socda gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Shirkan ayaa ah kulankii ugu dambeeyay ee kulamada shirka Madasha Qaran, kaas oo soo maray marxalado kala duwan .
Qodobada badanaa looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah go’aankii uu qaatay madexweynaha Soomaaliya kasoo ahaa in uu xeer madexweyne ku ansixiyey qodobadii kasoo baxay Shirka Madasha wadatashiga qaran.


