Gudoomiyaha degmada Buulo Barde Cabdicasiis Duuroow oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen duleedka degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Buulo barde ayaa sheegay in u jeeda howlgalku uu ahaa sugid amniga magaalada Buulo Barde iyo sidoo kale tuulooyinka hoos yimaada.
Gudoomiyaha degmada Buulobarde ayaa sheegay in howlgalka Shabaab looga saaraayo deegaanada hoos yimaada degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan uu bilowday,islamarkaana bilaha soo socda Shabaab laga saaraayo deegaanada Hoos yimada degmada.
Cabdicasiis Duuroow ayaa sheegay in ay xaqiiji doonaan amniga magaalada Buulo Barde oo ah caasimada gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.


