DHAGEYSO: Madexweynaha” Doorashadu waxay dhaceysa waqtigii loogu talagalay”

Madexweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheeri ah ku bixin doonto sidii Soomaaliya ay uga dhici laheyd doorasho waqtigii loogu talagay.

Madexweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in doorashado ay dhici doonto waqtigii loogu talay ,islamarkaana hay’adaha dowladda Soomaaliya aysan sameysan doonin muddo kordhin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay qorshaha inuu yahay 20-ka Bisha August inay joogaan xubnaha cusub ee Baarlamaanka dalka ee bedeli doona Baarlamaanka hada shaqeeya.

Dowladda Somaliya ee hada shaqeysa ayaa waqtigeeda waxaa u haray muddo kooban, waxaana la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho isbedel keenta.