DHAGEYSO: Madaxweyne Gaas “waa in si deg deg ah loo joojiyaa dagaalada Sool”

Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali  Maxamed Cali Gaas ayaa baaq nabadeed udiray beelo walaalo ah oo ku dagaalamayay maalmihii dambe deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Waxaana uu Isimada Puntland ku booriyay  in ay u istaagaan sidii colaadaasi loo damin lahaa, sidoo kale Maamulka Puntland uu door weyn ka ciyaareyo sidii beelaha walaalaha ah loo nabadeyn lahaa.

C/wali  Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay hadii beelaha walaalaha ah ay joojin waayaan dagaalada ka dhacaya gobolka Sool in maamulka Puntland uu u adeegsan doono awood kasta oo dagaalka lagu joojin karo.

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha  maamulka Puntland C/wali  Maxamed Cali Gaas uu ka soo laabtay magaalada Dubai isagoo halkaasi kulamo kula soo qaatay madaxda Imaaradka Carabta waxaana kulankooda ay uga hadleen sidii loo xoojin lahaa amaanka deegaanada Puntland iyo arimo kale.