Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cumar C/rashiid ayaa maanta waxay hortageen Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha ayaa Baarlamaanka u sheegay in ay muhiim tahay in ay si deg deg ah ku ansixiyaan hanaanka doorasho ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan qorshaha ay isku afgarteen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ee ku saabsan qaabka ay doorasho uga dhici karto Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu baarlaaanka ka hor sheegay in waqtiga dowladda u haray uu yar yahay islamarkaana Baarlamaanka laga doonayo in ay si deg deg ah ay ku ansixiyaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada laga doonayo oo keliya in ay ka doodaan Arrimaha loo soo gudbiyay, ka dibna ay ansixiyan ama ay diidaan balse aan laga dooneyn in waqtiga kale ay iska lumiyaan.
Maalinta sabtida ah ayaa lagu balamay in Xildhibaanada ay dooda halkooda ka sii wadaan ka dibna ay guda galaan ansixinta ama diidmada qorsha ay Xukuumada usoo gudbisay ee ku aadan hanaanka doorasho ee dalka.


