Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya isgoyska Cali-kamiin ee degmada Warta-nabadda ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu isku qarxiyay nin la sheegay in uu watay Mooto.
Inta lo ogyahay 8 ruux ayaa ku dhaawacantay halka ninkii isqarxiyay oo kaliya uu ku dhintay.
Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa waxaa loola cararay isbitaal ku yaalla meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax udhaceen.
Ilaa iyo hada lama ninkan isqarxiyay cida uu ka tirsan yahay.


