DHAGEYSO: Puntland oo Soomaaliland kaga digtay dhibaateynta bulshada Laascaanood

Boosaaso-RisaalaFM- Puntland ayaa Soomaaliland waxa ay kaga digtay dhibaateynta bulshada ku nool degmada Laascaanood oo ka tirsan gobolka Sool, xilli shalay magaaladaasi lagu xir xiray bulsho ka soo horjeeday xuska 18-ka May oo Soomaaliland ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Soocadde oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Soomaaliland in ay kaga digayaan mardambe in ay dhibaateeyaan bulshada ku nool magaalada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka Soomaaliland hayeeshee bulshada ku nool ayaa ka soo horjeeda jiritaanka Soomaaliland iyo gooni isutaagooda.

Waxaana bulshada ku nool magaalada Laascaanood ay qabaan fikirka ah Soomaali mideysan.