Faah faahin laga helayo qarax ka dhacay isgoyska Cali-kamiin

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa qarax maqribnimadan ka dhacay isgoyska Cali-kamiin ee degmada Warta-nabadda.

Waxaa la sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob lagu shaaxo oo ku taala degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho. waxaana xiligaasi ku sugnaa dad badan oo ku shaaxayay goobta sidoo kalana iska sheekaysanayay.

Sida ay xaqiijiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya goobta tagay qaraxa ayaa dhacay ka dib markii uu Isqarxiyay nin watay Mooto oo soo galay goobta ay fadhiyeen dadka shacabka ah.

Inta la ogyahay waxaa geeriyooday ninka Isqarxiyay oo kaliya sidoo kalana waxaa dhaawacmay ilaa iyo 8-ruux oo dhamaantood ah dadkii shacabka ahaa ee goobtaasi ku shaaxayay.

Dadka dhaawacmay ayaa haatan waxaa loo qaaday Isbitaalada magaalada Muqdisho oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Goobta waxa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo haatan goobta xiray.