DHAGEYSO: Madaxweynaha HirShabeelle oo gaaray Jowhar “SAWIRRO”

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib safar shaqo oo uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa.

Madaxweyne Cosoble waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirada.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mahad Xasan Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay safarka Madaxweynaha intiisa badan in uu ku saabsanaa hormarinta degaanada HirShabeelle, gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo isna dhankiisa warbaabinta la hadlay ayaa baaq u diray beelaha walaaha ah ee ku dagaalamaya degaanada gobolka Hiiraan, kaasi oo ah in ay joojiyaan dagaalada ay ku dhimanayaan shacab aan waxba galabsan.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha maamulka HirShabeelle ayaa 11-kii bishii May waxa uu magaalada London uga qeyb galay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kadib Kenya ayuu soo maray, halkaasi oo uu kula soo kulmay Hay’ado caalami ah, isagoo wixii xilligaasi ka dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna maanta ku laabtay magaalada Jowhar.