Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa marka hore waxaa uu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga sigaar ah doontii la qalibantay dad ay mas’uuliyiin ku jiraan.
Waxaa uu sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle ay dhamaan saameeysay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baladweyne,isla markaana fatahaada hadda jirta ay tahay mid weyn oo dhici jirtay 50kii Sano mar.
Isaga oo sii hadlayay Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay u yaallaan shaqooyin gaaraya ilaa Saddex oo kala ah, baadi-goobka dadka Wabiga ku maqan, dad go’doon ku jira oo badbaadin u baahan iyo gurmad bani’aadanimo.
Dhamaan deeq bixiyaasha,dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaada Wabiga Shabeelle.



