DHAGEYSO: Madaxii howlgelinta Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan oo la dilay

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay dilka madaxii howgelinta Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan oo xalay lagu dilay deegaanka Luuq Jeelow ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada gobolka Maxamed Ibraahim Cabdulaahi ayaa xaqiijiyay dilka loo geystay madaxii howlgelinta Al-Shabaab.

Dilka Sarkaalkaan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Maleeshiyaad hubaysan oo taageersan Dowladda Soomaaliya, Shabaabna dagaal adag kula jira, kuwaasi oo ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka hubaysan ayaa Sarkaalkaan waxa ay ku dileen deegaanka Luuq Jeelow oo ku yaalo Galbeedka Magaalada Baledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdi Aaden, wuxuuna Shabaabka u qaabilsanaa howlgelinta ciidamada Shabaabka ee Gobolka Hiiraan, waxaa lala dilay Sarkaalkaan labo kale oo Shabaab ka tirsan.

Deegaano ku yaalo Gobolka Hiiraan waxaa ku sugan Maleeshiyaad hubaysan oo isbaabulay kuwaasi oo ka soo horjeeda Ciidamada Shabaabka ee Gobolkaasi ku sugan.