DHAGEYSO: AMISOM oo sheegtay inay sugeyso amniga xilliyada doorashada

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan suggitaanka amniga xilliyada doorashada.

Ciidanka AMISOM waxa ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan in doorashada Soomaaliya ay ku dhacdo si amni ah , islmarkaana AMISOM ay door muhiim ka qaadan doonto suggitaanka amniga xilliyadda Doorashada.

Christine Alalo, ku xigeenka Booliska AMISOM ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay si buuxda u sugayaan amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka , waxaana uu intaas ku daray in ay kaashan doonaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay si wadajir u wada shaqeyn doonaan.

Waxa uu sheegay in ciidanka AMISOM ay u tababaran yihiin suggitaanka amniga iyo sidoo kale ka hortagida hadii ay dhacaan khalalaaso inta socdaan doorashooyinka.